|

“Dhib wuu dhacaa Waanu dhici doonaa,oo Sunaha Noloshaa sidaas ah Laakiinse waxaa Haboon” Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Duur

Hargaysa 16Jan.(SDN)

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caaraale Duur  iyo Weftigii uu hogaaminayay ee Socdaalka hawleed ku joogay Magaalada Saylac ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Laamaha Dawlada .

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu kormeer ku soo maray Dekeda Magaaada Saylac,Xafiiska Wasaarada Maaliyada,iyo Xarumaha Kale ee dawlada waxaanu Warbixino ka dhagaystay Mas’uuliyiinta laamaha dawlada kala duwan ee Gobolka Salal.

Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu ka dalbaday Mas’uuliyiinta laamaha dawladu inay xil iska saaraan habsami u socodsiinta hawlaha qaranka isagoo intaas ku daray inay Gobolka Salal u joogaan sidii ay xal dhamaystiran uga gaadhi lahaayeen xanafihii ka dhashay doorashadii golayaasha deegaanka gaar ahaan magaalada Saylac waxa uu wasiirka arrimaha Guduhu intaas ku daray in loo baahan yahay xoojinta wada dhalashada ummada Somaliland isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu Yidhi “Dhib wuu dhacaa Waanu dhici doonaa,oo Sunaha Noloshaa sidaas ah Laakiinse waxaa Haboon inaynu caqli ku darno oo wixii aan sixi karno aynu inagu dhamaysano sidaas ayaanu u nimid una Joogaynaa” .

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa socdaalkan ku Wehelinayay La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashada iyo axsaabta Maxamed Muuse Abees,maamulka Gobolka Salal iyo Saraakiisha Ciidamada Amaanka.

Hargaysa SDN.

Comments are closed