AMISOM oo sheegtay in ay Baarayaan dhacdadii dadka rayidka lagu laayay ee ka dhacaday Nawaaxiga Leego
Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed ay soo saareen Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dhacdadii shalay Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen meel u dhaw deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose.
AMISOM ayaa tilmamatay in dhacdaasi ay timid markii ay kooxo Al Shabaab ka tirsan ay rasaas ku soo fureen islamarkaana ay iyaguna jawaab kabixiyeen sidaasina rasaastii jawaabta aheyd ee ay bixiyeen ay ku dhacaday dad rayid ah oo ay ku jireen Caruur iyo haweyn.
Kusimaha Taliyaha Ciidamada AMISOM Major General Salvatore Harushimana oo warsaxaafeedkan hadalkiisu uu ku xusnaa aya sheegay in AMISOM howsheedu aysan aheyn waxyeelenta dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed, balse ay doonayaan in ay u gargaaraan oo ay ka ilaaliyaan kuwa waxyeeleynaya.
“AMISOM waxa ay aad ula socotaa mas’uuliyadeeda ah in ay ka taxadarto waxyeelada soo gaarikarta dadka rayidka ah marka ay howlgallo ku jiraan, waxaana leenahay sharciyo arimahaas dhaqan galinaya, sidaasi darteed waxaan ku howlanahay in ay aan soo ogaano xaqiiqda musiibadan foosha xun, iyo in la jabiyay sharuucdeenii noo dagsaneyd.” sidaasi waxaa Sheegay Kusimaha Taliyaha Ciidamda AMISOM Salvatore Harushimana.
Ugu danbeyn Warasaxaafadeedka AMISOM ayaa loogu tacsiyeeyay Ehelada dadkii ku geeriyooday Musiibadaasi, waxaana laguu rajeeyay kuwa ku dhawacmay in si dhaqsiyo badan ay ku soo caafimaadaan.
Warasaxaafadeed
SDN- Muqdisho