Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo maanta xukun dil ah kufulisay Askar katirsan Ciidanka Soomaaliyeed
Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)–Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay 2-askar oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dilka toogashada ah ayaa wuxuu ka dhacay fagaaro weyn oo ku yaalla Barxada School Buluuziya ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Shariif Sheekuna Maya.
Labada askari ee dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay geesteen kufsi iyo sidoo kale dil, iyadoo maxkamadda go’aan rasmi ah ka gaartay dadkaasi ugu dambeyna maanta la toogtay.
Askarta falka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Jamaal Axmed oo ahaa kormeere labaad Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Dable XDS Cabdi Cismaan Cali oo kufsi geestay.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu fuliyay askartan.
Waa markii ugu horeysay oo maxkamada ciidamada qalabka sida ay fuliso xukun dil ah tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in askarigii geesta fal kufsi ah in la tooganayo.
SDN-Muqdisho