Madaxweyne Obama oo sooban dhigaya shuruuc lagu xakameynayo hubka iyo diidmo durba soo yeedhay
Washington Jan 16,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa maanta lagu wadaa in uu soo bandhigo shuruuc dhawr ah oo lagu xakameynayo Hubka sida darandooriga ah u dhaca.
Madaxweynaha ayaa shruucdan amar madaxweyne ku dhaqan gelinaya halka qaar kalena golleyaasha sharci dejinta loo guddbin doono sida uu sheegay afhayeenka aqalka cad Jay Carney.
Madaxweynaha ayaa amar ku bixin doona baarida dadka dalbanaya in ay iibsadaan hubkan.
Halka uu marka Madaxweynuhu mamnuuci doono gebi ahaanba iibinta iyo heysashada hubka darandooriga u dhaca.
Dadka iyo ururada u ololeeya in dadku xor u ahaadaan heysashada hubka noocyadiisa kala duwan ayaa beryahanba waday dedaalo ay uga hortagayaan shuruucdan.
Ururka ay ku bahoobeen dadka leh hubka darandooriga u dhaca ee NRA ayaa shaaciyay in ay dagaal siyaasadeed uga hortegi doonaan shuruucda.
NRAda ayaa sidoo kale sheegtay in ay ururkooda ku soo biireen dadkii u badnaa ebid bilihii ina dhaafay.
Ururka oo ay xubno ka yihiin 4.25 milion Mareykan ah ayaa sheegay in 250 kun oo ruux ay dhawaan ku soo biireen ururkooda.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com