|

Qaramada Midoobay oo canbaareeyay xiritaanka Saxafi iyo haweynay sheegtay in la kufsaday

New York Jan 16 2013 (SDN)– Warasaxaafadeeda ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa lagu canbaareyay xarig ay ciidamada dowladda Soomaaliya u geysteen saxafi iyo dhibane sheegatay in la kufsaday.

Wakiilka Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xadgudubyada Galmuudka ee goobaha ay Colaadaha ka jiraan, Zaynab Xawa Bangura ayaa canbaareysay xarig ay Ciidamada dowladda Soomaaliya u geysteen saxafi iyo haweyn la sheegay in ay kufsadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saynab ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda loobahanyahay in baaritaano ku sameeyay kiiska la xiriira in Ciidmo ka tirsan dowladda ay kufsadeen haweyney Soomaali ah balse aysan aheyn in ay xiraan dhibanihii iyo saxafigii dhacdadaasi wariyay.

“Eedeymaha la xiriira kufsiga waa in ay helaan baritaano dhan ah, mahan in la xiro dhibanaha  ama saxafiga soo wariyay danbigan aadka u foolxun.” Sidaasi waxaa sheegatay Zaynab Xawa.

“Habkan ay sameynayaan ciidamada booliska Soomaaliyeed mahan mid cadaalad ah ee waxa uu u muuqdaa mid danbi loogu yeelayo dhibanayaan waxana tani ay yareyneysaa xuriyatu qowlka” sidaasi waxaa lagu sheegay warsaafadeedka Qaramada Midoobay.

Saxafiga la xiran ayaa u shaqeynayay Radio Ergo iyo warbaahino kale waxaana jeelka loo taxaabay Khamiistii, iyadoo ah jiraan saxafiyiin kale oo kiiskan loo xiray iyo haweyn la sheegay in ay ku soo xirtay saxafiga xiran qofka dumarka ah ee la kufsaday.

“Waxaan canbaareynayaa xadgudubka galmoodka ee loo soo marayo habkasta, waxaana ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya in ay sii deysao wariyaha islamarkaana ay baarto eedeeymaha la xiriira kufsiga” sidaasi waxaa markale ku sheegtay warsaxaafadeedka Ms Banguri.

Waxa ay intaasi ku dartay in loo baahan yahay in dhibanayaasha wax la gaarsiiyo aysan ku noolaan cabsi iyo xishood islamarkaana kuwa falkan geystay aysan iska raaxeysan oo aan la daba galin.

Zaynab Xawa Bangura ayaa carabka ku adkeysay in falka ay hada wadaan ciidanka boolisku uu yahay mid cabsi galinayo wariyayaasha halkii laga baari lahaa danbiyada xadgudubka galmood taasi oo hadii ay sii jirto yareyn karta mas’uuliyada hay’adaha dowliga islamarkaana dadka danbiiyaasha ah xur ka dhigeysa.

Ugu danbeyntii ayaa warsaxaafadeedka waxa lagu sheegay in saxafiyiintu ay xaq u leeyihiin in ay soo tabiyaan eedeeymaha iyo dhacdooyinka la xiriira kufsiga islamarkaana lagu dhiragaliyo howshaas wanaagsan ee ay qabanayaan.

Comments are closed