|

Xukuumadda Soomaaliya oo balanqaaday hormarinta Isbootiga dalka

Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)– Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la horumarinayo arimaha Isboortiga dalka Soomaaliya xilli dhawaan guddiga Olombikada Soomaaliya Muqdisho looga dhawaaqay.

Bashiir Maxamed Goobe Wasiir ku xigeenka Wasaarada Adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in iminka ay wadaan dadaalo ay ku horumarinayaan hanaanka cayaaraha dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in guddiga Olambikada Soomaaliyeed ay yeesheen shir ayna isku afgarteen sidii loo horumarin lahaa isboortiga dalka Soomaaliya.

Inkastoo Wasiir ku xigeenka wasaarada adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya uu sheegay inay dardargelinayaan isboortiga dalka Soomaaliya ayaa hadana weli Garoonka Stadio Muqdisho waxaa ku sugan ciidamada AMISOM.

Comments are closed