Booliska Talyaaniga oo shaaciyay in uu gacanta ku dhigay 55-qof oo ay ku jiraan dadka wax tahriibiya
RomeJan 15 2013 (SDN)— Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga, Ciidamada booliska dalkaasi ayaa qabtay tariibayaal iyo xubno ka tirsan shabkada Soomaalida u tahriibisa Talyaaniga.
Ciidamada booliska Talyaaniga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 55-qof oo isugu jira Tarhriibayaal Soomaali ah, diplomasi talyaani ah iyo Shaqaale ka ka tirsan hay’adda W.F.P.
Wargeyska Malta Today ayaa sheegay in dadka boolisku ay qabteen uu ku jiro Xuseyn Maxamed Cabdiraxmaan oo loo yaqaan “Baanje oo ka shaqeynayay safaarada Talyaaniga eeNairobiasal ahaana ka soo jeeda Soomaaliya iyo sidoo kale Maxamed Shiikh Cali Bashir oo isna u shaqeeya hay’adda Cunada Aduunka Q/M ee W.F.P.
Wargeyska ayaa sidoo kale ka soo xigtay booliska Talyaaniga in ay laqabtay xubno ka tirsn Shabakada dadka Tahriibisa ee fariismiaha ku leh Magaalooyin kala duwan oo qaaradaAfricaiyo Yurub ah.
Macadam talaabada ay ka qaadi doonaan Ciidamada booliska Talyaaniga dadkan la qabtay hase ahatee waxaa la sheegay in ciidamadu ay goob ku hayaan dadkan.
Boqolaal tahriibayaan African ah oo u badan Soomaali ayaa isku daya in ay ka gubaan badaLibyaiyo Talyaaniga u dhexeysa waxaana ku dhinta isku daygaas kumaan muhaajiriin ah.
SDN-Rome