Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland oo Mar kale hortagay Gudi Hoosaad ka mid ah Golaha Wakiilada
Wasiirka wasaaradda Duulista iyo hawada Md maxamuud Xaashi cabdi ayaa maanta warbixin ku saabsan hawlaha wasaaradiisa u gudbiyey gudida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee Golaha wakiilada Somaliland.
Wasiirka oo maanta hor tegay gudigaasi ayaa warbixintiisa waxaa qayb ka ahayd waxyaabahii ay wasaaradiisu culayska saartay mudadii uu xilka hayey iyo waxyaabahii u qabsoomay.
Md xaashi oo ka hadlayey lacagaha lagu qaado madaarada dalka ayaa sheegay inay wasaarada ahaan qaadaan lacag sadex doolar ah oo garoomada lagaga qaado dadka safarka ah lacagtaas oo ah mid ay golaha wakiiladu hore u ansixiyeen, halka sidoo kalena uu jawaab ka bixiyey lacag 10 doolar ah oo aan weli la ansixin oo laga qaado dadka la mariyo qalabka baadhista ammaanka, dhowaana uu hor keeni doono golaha wakiilada.
Wasiirka Duulista oo ka hadlay waxqabadkii wasaaradda waxa uu sheegay in madaarada dalka qaarkood la hagaajiyey kuwo kalena dayactir lagu wado, taasoo keentay in shirkado hor leh oo diyaaradeed lagu soo xidhay wadanka kuwo kalena dib loo soo celiyey sida shirkadda Itoobiyaan Airlines.
Kulankan waxaa Goob joog ka ahaa,Mudane Axmed Barkhad Obsiiye,Mudane Cabdiqadir Xaaji Ismaaciil Jirde,Xildhiban Maxed Jamac X. Cilmi (Dable),Xildhibaan Axmed Xasan Adan (Waysacade),oo ka mid ah Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka.
Gabagabadii kulankana ayuu ku simaha Gudoomiyaha Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka ayaa wasiirka ku wargeliyey inay qoraal u soo diri doonaan ,kaas oo ay kaga codsanayaan Macluumaad dheeraada oo ku saabsan sida wasaaradu u isticmaasho miisaaniyada iyo xisaab xidhyadooda.
Hargaysa SDN.