|

Maamulka gobolka Hiiiran oo Ciidamo boolis ah geyay degmo iyo deegaano hoostaga gobolkaasi

Baladweyne Jan 15 2013 (SDN)- Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in Ciidamo boolis ah oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lageeyay degmooyin iyo deegaano katirsan gobolkaasi.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamada booliska ah lageeyay deegaanada Beergadii, Jawiil iyo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamadan booliska ah ee la geeyay degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan ayaa tababar ugu dhamaaday Magaalada Baladweyne ee gobolkaasi waxaana la sheegay in ladoonayo in ay xaqiijiyaan Amaanka meelaha la geeyay.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa dhawaan isaga iyo wafdi uu hogaaminayo waxa ay booqdeen Magaalada Matabaan oo ay ka tiliyaan Ciidamda Ahlu Sunna waxaana uu balan qaaday in ay ciidamo halkaasi geynayaan.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii danbe ka dhacayay fal amaanka lidi ku ah kuwaasi oo ay geesanayaan kooxo hubeysan.

SDN-Baladweyne

Comments are closed