|

Raila Odinga : Wararkii Faransiiska ee Soomaaliya waa u fashilmay, waana ka xumahay

Nairobi Jan 15 2013 (SDN)— Raysal wasaaraha dalka Keenya Raila Odinga oo wareysi gaar ah siinayay wakaalada wararka AFP, ayaa ka hadlay Faragalinta dowlada Farance ay ku kala sameeyay Soomaaliya iyo Mali, isagoona sheegay in howlgalkaasi uu noqdo mid fashilmay, aadna uu kaga xun yahay.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kala hadlay ciidamada Kenya gudaha u soo galay Soomaaliya bishii Oct,2011,waxuuna ku tilmaamay howlgalkii Soomaaliya ay ku soo qaadeen in laga gaaray u jeedkii ay ka lahaayeen kadib markii uu sheegay in deegaano badan Al-shabaab ay kala wareegeen,balse waxuu tilmamay Raila Odinga in markii ugu horeysay ee Faransiiska uu faragelin uu ku sameeyay Soomaaliya gaar ahaan koonfurta uu ku guuldarestay.

Wuxuu sidoo kale Raysal Wasaaraha Kenya shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay ku eedeynayaan afuubyo dhowr ah oo ay ka geysteen xuduuda Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeysa iyo waliba gudaha Kenya,waxa uuna tilmaamay Raysal wasaaraha Kenya Raila Odinga Afduubkaasi gabi ahaantooda ay ka danbeeyaan Ururka Al-shabaab.

“Ciidamadeena waxaan u soo dirnay Soomaaliya waana ku guuleysanay,waxaana u jeedkeena ahaa dagaalka Alshabaab oo xariir la leh Al-qaa’ida.”

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday amnidarada ka jirta Kenya isagoona eedeeyntiisa dusha kaga tuuray Al-Shabaab.

Hadalkaan Raysal wasaaraha Kenya ayaa ku soo aadaya iyadoo dowlada Faransiiska Soomaaliya ay ku soo qaaday weerar fashilmay.

Xigasho: AFP

Comments are closed