|

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo dhanbaal tacsi ah u diray Shacabka iyo Dawlada Jabuuti

Hargaysa 11.Jan.(SDN) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro isagoo ku hadlaya Magaciisa ka Shirgudoonka iyo ka Xildhibaaanada Golaha Wakiilada waxa uu tacsi u diray Qoyskii Qaraabadii Iyo Xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti oo uu ka tacsiyadeeyay Geeridii ku timid alle ha  u naxariistee Gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuun Jaamac Maxamud Xayd oo ku geeriyooday Wadanka Kenya .

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu sheegay in Marxuunku uu taariikhda dhaqaale ee dalka Jabuuti uu door weyn ka soo ciyaaray isagoo ku sifeeyay Shakhsi dadkiisa iyo dalkiisuba jeclaa.

Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro waxa uu Yidhi ” Waxaa tacsi tiiraanya badan u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Dhammaan Shacabka iyo Dawladda Dalka Jabuuti uu ka baxay Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Jabbuuti oo ku geeriyooday Dalka Kiiniya 11/01/2013. Alle ha u naxariisto, Samir iyo Iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo Qoyska, Qaraabada iyo Dhammaan Shacabka Somalida, gaar ahaan Shacabka reer Jabuuti, Marxuumkana Eebbaheen jannadi Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. ”

Xukuumada Somaliland ayaa Wefti balaadhan oo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxay u  dirtay dalka Jabuuti si ay uga qayb galaan Aaska Gudoomiyihii Baanka Jabuuti oo ku geeriyooday Xalay Magaalada Nayrobi kadib markii uu Madaxa dhiig kaga furmay

SDN

Comments are closed