“Shaqsiyaad Dhalasho Ahaan Ama Dhaqan Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Horey Somaliland Uga Hadashay In Aanay Ogolayn In Ay Ka Soo Jeestaan Geesta Kale Ee Wada Hadalka”Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland .
Hargaysa 11.Jan.(SDN)
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar ayaa Maanta faahfaahin ka bixiyay kulamadii uu magaalada London kula yeeshay Madax ka tirsan dawlada Ingiriiska,iyo Xiliga la filayo inay bilaabmaan wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia .
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa tilmaamay in mudadii uu dalka Ingiriiska Socdaalka Shaqo ku joogay uu kulan la yeeshay Wasiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika Mr Mark Simmonds,kana wada hadleen sii xoojinta Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska ,gaar ahaan dhinacyada horumarka,Siyaasada iyo nabadgalyada.
Wasiirka Arrimaha Dibadu waxaa kale oo uu xusay inuu Wasiir Mark Simmonds uu warbixin ka siiyay doorashooyinkii dawladaha hoose ee dabayaaqadii bishii November ee kal hore ka qabsoontay Somaliland .
Dr Maxamed C.laahi Cumar waxa uu sheegay in dawlada Ingiriisku ay dhawaan deeq dhaqaale siisay Somaliland taas oo uu ku sifeeyay tii u horaysay ee nooceeda ah,waxaanu mahadnaq u soo jeediyay dawlada Ingiriiska iyo Denmark oo gacan muuqata ka ciyaara sida uu yidhi horumarka .
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland waxaa kale oo Shirkiisa Jaraa’id ku faahfaahiyay Xiliga ay filayaan inay dib u bilaabmaan Wada hadaladii u socday labada wadan ee Somaliland waxaa uu cadeeyay inaan weli meel la isla dhigin goobta lagu wada hadlayo iyo Wakhtiga uu bilaabmi doono wada hadalku ,iyadoo ay taas diyaarinteeda laga rabo ayuu yidhi labada dal ee Somaliland iyo Somalia ,waxaanu xusay in dawlada ingiriisku ay taageersan tahay in la dib loo bilaabo wada hadalada labada geesood .
Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka jawaabayay Su’aal nuxurkoodu ahaa in hadii ergada ka iman doonta dhinaca dawlada Somalia ay ka mid noqdaan Shakhsiyaad ka soo jeeda Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay inay Somaliland hore u cadaysay mawqifkeeda ku wajahan qaabka wada hadalka isagoo yidhi “ Shaqsiyaad Dhalasho Ahaan Ama Dhaqan Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Horey Somaliland Uga Hadashay In Aanay Ogolayn In Ay Ka Soo Jeestaan Geesta Kale Ee Wada Hadalka,taasina ma ah Mid aanu Qarinayo,horena waan u sheegnay” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland .
Hargaysa SDN