Laheystayaan Syrian ah oo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya kaddib muddo burcad badeedu ay heysteen
Muqdisho Jan 12 2013 (SDN)— Waxaa Maanta garoonka Caalamiga ah eeAdenAdeInternationalAirportkasoo dagay Sadax Nin oo Syrian ah oo iyaga kasoo badbaaday gacanta Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida oo ay lasocdeen madaxda Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Sadaxdan nin ayaa waxa iyagu laga qabtay Xeebaha Soomaaliya sanadii 2010-kii December waxaana ilaa haatan ay gacanta igu jireen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaaliya.
Madaxweyanaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulahi Aadan Tiiceey oo kujiray Madaxdii waday sadaxdan nin ayaa waxa uu sheegay isaga oo ku sugan Airportka Muqdisho in ay iyaga ka dambeeyeen sii daysmada ragani u dhashay dalka Syria.
Madaxweyne Tiiceey ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in aysan Jirin wax madax furasho ah oo lagu soo daayay ragani. Isagoona sheegay in ay u dhiibayaan Dowladda Soomaaliya si ay iyana ugu gudbiso Dowladda dalkaasi.
SDN-Muqdisho