|

Wasaarada Gashandhiga Faransiiska oo warbixisay Weerar ay Ciidamadeeda Kumandosta ka furliyeen Soomaaliya

Paris Jan 12 2013 (SDN)— War saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay dawlada Faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in la haystihii u dhashay Faransa iyo labo askari oo kale ay kaga geeriyoodeen hawl gal ay ciidamadooda ka sameeyeen magaalada Buulo Mareer ee gobolka Sh/dhexe. 

Warkaan oo kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Faransa ayaa waxaa lagu sheegay in intii uu socday hawlgalka fashilmay ay goobta ku naf baxeen labo askari oo ka tirsanaa kumaandooska Faransiiska iyo la haystihii  lagu magacaabi jiray Denis Allex.

Wasaaraddu waxay sheegtay in la haystaha iyo 2, askariba ay dileen dagaalamayaasha Al-Shabab ee dagaalka lala galay. 

Hawlgalkaan oo ay ka qeyb qaateen illaa 4 dfiyaaradood oo nooca qumaatiga ah ayaa ujeedkiisu ahaa soo furashada la haystaha geeriyooday ee Denis Allex  kaasi oo Muqdisho laga qafaashay sanadkii 2009. 

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in iska horimaadku uu dhawr saacadood socday isla markaana ay indhahooda ku arkeen dabley Cadaan ah oo Shabab ka tirsan kuwaasoo dagaalka ka qeyb qaadanayay.

 Wasaaradda gaashaandhiga Faransiiska warka ay soo saartay ee lagu qoray wakaaladda ee AFP ayaa waxsaa lagu sheegay inta hawlgalku socday ay dileen illaa iyo 17 ruux oo Shabab ka tirsanaa. 

Faransiisku dhawr jeer ayuu gudaha Soomaaliya ka fuliyay hawlgal uu ku baacsaday burcad badeed dad ka qafaashay.

SDN-Paris  

Comments are closed