|

Nin Soomaali ah oo hore loola xiriiriyay Al Shabaab oo London laga baadi goobayo

London Jan 12,2012(SDN)-Nin Soomaali ah oo hore loogu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al Shabaab ayaa haatan laga baadi goobaya dalka UK.

Ibraahim Magag oo 28 jir ah ayaa Booliiska London aaminsan yihiin in kolkii u danbeysay ee la arko ay aheyd dhamaadkii sanadkii ina dhaafay.

Ibraahim ayaa dhawaan dib loogu ogolaaday in uu ugu noolaado magaalada London ka dib kolkii lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay koox xag jira oo caasimada UK xarun ku leh.

Ibraahim ayaa dhawaan mar uu la hadlay Iddaacad ku taal UK waxa uu ka waramay sida uu u doonayo in loogu mustaafuriyo dal Muslim ah.

Dawlada UK ayaa iska hortaagtay in Ibraahim u dhoofo Soomaaliya si aanu ugu biirin kooxda Al Shabaab.

War ay Booliska London arinkan ka soo saareen ayay ku sheegeen in Ibraahim Magag aanu halis ku aheyn nabada.

Waxaan weli wax war ah oo baadi goobka ninkan ku saabsan soo saarin qoyska uu ka soo jeedo.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed