Ciidamo Faransiis ah oo Weerar qasaaro geystay xalay ka fuliyay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Sh/hoose
Buulo-mareer Jan 12 2013 (SDN)— Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in weerar qasaaro geystay ay xalay Ciidamado la tuhunsanyahay in ay Faransiis yihiin ay ka fuliyeen deegaanka Buulo-Mareer oo ka tirsan gobolkaasi.
Weerarka oo uu bartilmaameedkiisu ahaa guri la sheegay in uu ku jiray Sarkaal Faransiis ah oo ay qafaasheen Al Shabaab 2009kii ayaa waxa uu bilaawday abaaro 7-dii habeenimo waxaana lasheegay in rasaas culusl laga maqalay magaalada.
Ciidamada weerar fuliyay ayaa ka soo dagay diyaarado dagaal kuwaasi oo gudaha ugalay sida dada deegaanku ay xaqiijiyeen kuriga looga shakisnaa in lagu heysto sargaakaasi Faransiiska ah.
Qasaaraha ka dhashay weerarka oo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxa la sheegayaa in ay wax ku noqdeen 2-qof oo rayid ah iyo Askari la rumeysan yahay in uu ka tirsanaa ciidamadii weerarka soo qaaday.
Askariga cadaanka ah ayaa lagu arkay saakay banaanka gurigii weerarku uu ka dhacay laakiin mardanbe ay Shabaab qaateen, kuwaasi oo sheegay in ay soo badhigayaan.
Xaalada magaalada ayaa kacsan dadkana waxa ay muujinayaa cabsi weyn oo ku aadan in markale ay wax dhacaan.
SDN-Buulo-mareerÂ