|

Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland oo dib ugu soo laabtay dalka.

Hargaysa 11.Jan.(SDN)

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyada Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar ayaa Maanta ka soo laabtay Safar uu ugu maqnaa Wadanka Ingiriiska.

Wasiirka oo ka soo degay Magaalada Jig Jiga ee Xarunta Ismaamulka Dawlad Deegaaneedka Itoobiya isla markaana dhinaca Xadka ka soo Galay Somaliland ayaa Sheegay inuu hawlo Shaqo in Mudo ahba ugu Maqnaa Qaar ka mid ah Wadamada Yurub,Gaar ahaan Sida uu Xusay Dalka Ingiriiska .

Dr Maxamed C.laahi Cumar waxaa  uu si kooban u sheegay in  Safarkaasi uu ugu soo dhamaaday si Guul ah isagoo intaas ku daray in marka uu Warbixintiisa siiyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu si faahfaahsan uga warami doono Kulamadii uu la yeeshay Madaxda Wadanka Ingiriiska .

Hargaysa SDN.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed