|

Hogaamiye “Afweyne” oo Shaaciyay in uu Joojiyay Burcad Badeednimadii

Cadaado Jan 11,2013(SDN)-Mid ka mida Burcad badeeda Soomaalida ee ka qawleysata badah ku teedsan geeska Africa ayaa maanta shaaciyay in uu ka fadhiistay hawlaha Burcad badeednimada.

Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaaqaano “Afweyne” ayaa ahaa hogaamiyaha mid ka mida kooxaha Burcad badeeda mudo sideed sanadood ah.

Mar uu maanta kula hadlay saxaafada magaalada Cadaado waxa uu sheegay in uu joojiyay burcadnimadii.

“Bacdamaa aan ahaa hogaamiye Burcad badeed mudo sideed sanadooda waxaan haatan gaadhay goaan aan ku joojinayo burcadnimada”ayuu yiri Afweyne.

Afweyne ayaase sheegin sababta uu u joojiyay burcadnimada xiligan la joogo.

“Waxaan kale oo aan asaxaabteyda ku dhiiri gelinayay in ay joojiyaan burcadnimada waanay iga aqbaleen badankood”ayuu yiri Afweyne.

Reer Galbeedka oo dagaal kula jira burcada ayaa dhawaan shaaciyay in bucad badeednimadii Soomaalida ay hoos u dhacday .

SDN-Cadaado

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed