|

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose oo sheegay in uu ku farasanyahay qaabka cadaalada loomarinayo dadka burcadnimada lagu soo qabto

Afgooye Jan 11 2013 (SDN)- C/qaadir Maxamed Nuur Siidii guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in uu aad u farasanyahay qaabka cadaalada loo soo taagayo raga lagu soo qab qabtay iyagoo dhibaateynaya umada ku nool gobolka uu ka taliyo.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa tilmaamay in uu aad u faraxsan yahay howlgalkii shalay ay ciidamada dowladda ka fuliyeen gobolka Sh/hoose waxaana uu tilmaamay in howlgalkaasi uu ahaa mid miro dhalbadan leh.

Mr Sidii ayaa tibaaxay in uu u taaganyahay dhiiragalinta in cadaalada la marsiiyo kuwa lagu soo qab qabto falal burcadnimada ah waxana uu hoosta ka xariiqay in cadaaladu ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta Amaanka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa horay u sheegay in isaga qudhiisu uu horay u arkay qabdho ay ciidamada dowladda  Soomaaliyeed ku kufsadeen gobolka Sh/hoose waxana uu horay u codsaday intalaabadan oo kale la sameeyo.

Si kastaba bariyihii danbe ayaa waxaa ka sii darayay xaalada Amaan ee gobolka Sh/hoose hase ahaatee waxaa la sheegayaa in howlgalkii shalay laga sameeyay gobolka Sh/hoose uu wax ka badali doono Amaanka gobolka.

SDN-Afgooye

Comments are closed