Xukuumadda Soomaaliya oo balanqaaday Ciribtirka kooxaha burcada ah ee dhaca ka geystay gobolka Sh/hoose
Afgooye Jan 10 2013 (SDN)— Wasiirka Arrimaha guddaha iyo Amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo shalay saxaafada kula hadlay Magaalada Afgooye oo uu uga qeyb galay kulan looga hadlayay xaqiijinta Amaanka ayaaw axa uu sheega in dowladda Soomaaliya aysan u naxariisan doonin Askari kulabisan dharka ciidanka oo faldhaca isga oo geysanaya la soo qabto.
C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in kuwaasi oo ay wasaqeeyanayay sumcada, sharafta iyo magaca ciidamada dowladda Soomaaliyeed sidaasi dartedna cidii lagu qabto arrimahaasi oo kale uu muteysan doono ciqaab adag.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaqiijin doonto Amaanka wadada dheer ee xiriirsa gobolka Sh/hoose iyo magaalada Muqdisho halkaasi oo ay baryihii danbe ka dhacayeen falal dhac iyo kufsi u badan.
Shalay ayay ciidamada dowladda waxa ay howlagal ay ku qab qabteen dadbadan waxa ay ka sameeyeen wadada xiriirsi Afgooye iyo Muqdisho waxana qaar ka mid ah dadkii lagu soo qab qabtay lagu riday xukun xabsi.
SDN-Afgooye