|

Askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu xakumay min 5-shano kaddib fal burcadnimo ah oo ay galeen

Afgooye Jan 10 2013 (SDN)-Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday 3-Askari oo ka tirsanaa Ciidamad dowladda kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay falal burcadnimo ah kasameeynayee wada isku xirta Marka iyo Muqdisho. 

Xukunkan oo ay riday Maxkamada darajada koowaad ayaa waxa la horkeenay Maxkamada cadeymo badan oo ay ka mid ahaayeen agab ay ka dhaceen dad ku safarayay Wadad xiriirisa Muqdisho iyo Marka. 

Raga xukunka lagu riday ayaa wax ay kala ahaayeen Cumar Nuur Xuseen Axmed,Salaad Cabdulle Axmed Taakoow iyo Cabdi Yuusuf Maxamed Gacal waxaana Seddexdoodaba ay Maxkamaddu ku xukuntay min Shan sano oo xabsi ciidan ah. 

Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ayaa sheegay in ay maxkamadeyn doonaan waqtiyada soo aadan dadkale oo ay soo qabteen ciidamada dowladda oo maanta howlgal ka samayay inta u dhaxeesya Muqdisho iyo Afgooye.

Comments are closed