|

Somaliland oo beenisay in dawlada Jabuuti ay Xidhay Xuduuda ay wadaagaan

Hargaysa 10 Jan.(SDN)

 

Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa waxa uu ku beeniyay warar ay warbaahinta ku sheegeen in la dawlada Jabuuti ay Xidhay Xuduuda ay la leedahay Somaliland ,isagoo ku tilmaamay arrin waxba kama jiraan ah.

 

Waxa uu Taliyaha Laanta socdaalka ee Somaliland  uu xusay in aanay waxba ka jirin wararka dacaayada ah ee lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay xidhay Xuduuda ay la wadaagto Somaliland” Waxaan halkan ka cadaynayaa War ay Idaacada,Wargaysayada iyo Websiteyada lagu baahiyay oo la yidhi dawlada Jabuuti ayaa Xidhay Xadkii ay la wadaagto Somaliland arrintaasi waa Waxba kama jiraan,Sidaa darteed waxaan ku wargalinayaa dadweynaha ku dhaqan labada dal in isu socodkii Somaliland iyo Jabuuti uu sidiisii yahay wax iska bedelayna ma jiro” Taliyuhu wuxuu  intaas ku daray in Xidhiidhka labada wadan uu yahay mid cago adag ku taagan waxaanu intaas ku daray isla markaana uu mudo sadex jeer ah safar ku tagay Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti.

Hadalkan ka soo baxay Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland ayaa ka danbeeyay kadib markii ay Warbaahinta qaybaheeda kala duwani faafiyeen in dawlada Jabuuti ay Mudo bil ah  Xidhay Xuduuda ay la Wadaagto Somaliland iyagoo amuurtaas u Sibir saaray Xaalada Cakiran ee ka taagan Degmada Saylac.

 

Hargaysa SDN

Comments are closed