|

Ciidamada Maamulka Galmudug oo 4-Nin ku toogtay deegaan hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Wisil Jan 10 2013 (SDN)— Ciidamada maamulka Galmudug ayaa maanta meel fagaaro ah oo kutaala deegaanka Wisil waxa ay ku toogteen Rag la sheegay in ay dileen Nin waqaday gaari Qaad u siday degmada Hoyo ee gobolka Mudug. 

Raga la toogtay oo gaarayay 4-ruux ayaa dhamaantood la sheegay in ay ku lug lahaayeen dilka loo geystay ninkaasi gaariga Qaadka waday oo dilkiisu uu dhacay maalmo ka hor. 

Dad ku sugan deegaanka Wisil oo u dhaxeya degmada Hoboyo iyo Galkacyo ayaa waxa ay u xaqiijiyeen Shabakada SDN in Ragaasi Afta ah lagu dilay fagaaro kuyaalla degmadaasi waxana ay intaasi ku dareen in dilka ragaasi aan horay looga sii warheyn in halkaasi uu ka dhicidoono. 

Xiriiro aan  la sameynay maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya aysan noo suurta galin mana cada sida Ragan la toogtay loo maxkamadeeyay iyo qaabka howshoodu u socota laakiin waxaa larumeysan yahay in ay aheyd howl qarsoodi lagu dhameeyay kaddibna lagu toogtay ragaasi fagaaro. 

Waa markii ugu horeysay oo Rag waxdilay lagu tooganayo deegaanka Wisi ee gobolka Mudug halkaasi oo ay hada ka taliyaan ciidamada maamulka Galmudug. 

SDN-Wisil

Comments are closed