Idaacada Radio Hargaysa oo soo Khatintay Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah,iyadoo Mar kale dib looga wada bilaabayo Radiyowga iyo SLNTV
Hargaysa 10,Jan (SDN)
Munaasabad lagu xusayey dhamaystirka casharkii tafsiirka Quraanka Kariimka ee ka bixi jiray Radio Hargaysa iyo Tv-ga Qaranka ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ee Magaalada Hargaysa.
Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Warfaafinta iyo Diinta iyo Awqaafta, gudoomiyaha Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa hadal ku saabsan barnaamijkaas iyo mudadii dheerayd ee bulshada loo baahinayay waxaa halkaasi ka soo jeediyay Agaasimaha idaacadda radio Hargaysa Md Siciid Aadan Cige.
isla markaana sharaxay inuu barnaamijkani yahay ka ugu weyn ee bulshada Somaliland ay aad u dhagaystaan,kana kasbadaan aqoonta Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.
Agaasimaha idaacada Radio Hargaysa waxa uu sheegay inay sannadkii ay baxaan Kun iyo Boqol iyo Afar iyo Sagaashan Cashar oo Xidhiidh ah isla markaana ay jiraan dad aad u badan oo ka qalin jebiyay .
Maareeyaha Television-ka Qaranka Md Khadar Cali Gaas oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyey waxa uu ballanqaaday in barnaamijka tafsiirka Quraanka oo hadda ka hor ka bixi jiray qaybta Gudaha ee Telefishanka ay gelin doonaan Sattlite-ka taasoo u sahli doonto ayuu yidhi in daawadayaasha TV-gu ay si xidhiidh ah uga bogtaan tafsiirka iyagoo dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba ku kala Sugan.
La taliyaha Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Eng Maxamud Maxamed Xasan Mijir ayaa ka waramay sidii ay idaacadu ku bilowday Tafsiirka Qur’aanka Kariimka waxaanu sheegay in 1991,oo uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta inuu Gudi Culimo ah u qoray Warqad kana codsaday in loo soo diro Sheekh Tafsiirka Idaacada ka akhriya iyo laba Sheekh oo kale oo idaacada u duuba Qur’aanka,waxa uu la taliyuhu intaas ku daray in Culimadii wakhtigaasi ay soo direen Sh,Maxamed Sh,Cumar Dirir.
Eng Mijir waxa uu intaas ku daray in Duruuftii Wakhtigaas oo adkayd awgeed uu sheekhu isagoo wax mushahar ah qaadan uu jeebkiisa ka soo iibin jiray beytariyada iyo Cajaladahaba.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland C.rashiid C.laahi Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa ku hambalyeeyay Wasaarada Warfaafinta iyo Shacbiga sida tooska ah ula socda Casharka Qiimaha Badan ee Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Maxamed Maxamud Xirsi Xiiray.
Sh maxamed Sh Cumar Dirir oo barnaamijka Tafsiirka Quraanka ka sii daaya Idaacada Radio Hargaysa ayaa ku amaanay Shaqaalaha Idaacada iyo Telefishanka Qaranka isla markaana iska xilsaaray habaynta Cajaladaha uu ku duuban yahay Tafsiirku..
Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cabdirashiid Jiriil Yuusuf oo munaasabadaa ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkani yahay mid qiimo weyn ugu fadhiya bulshada iyo wasaaraddaba isla markaana munaasabadani aanay ahayn oo keliya mid lagu xusayo gebegebadii dhamaystirkiisa laakiin ay sidoo kale bilow cusub u tahay barnaamijka Tafsiirka oo dib loogu soo bilaabayo Shacabka si intii aan fursada u helin ay uga bogtaan,isagoo intaas ku daray inay markii todobaad dib uga wada bilaabayaan Baahinta Casharka Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah labada Waaxood ee idaacadda iyo Telefishanka.
Hargaysa SDN