|

AMISOM oo dhalinyarada shabaab ammaankooda balan qaaday hadii ay ka soo goostaan

Muqdisho Jan 10 2013 (SDN)-Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in hadii raga ka tirsan Shabaab dhanka Dowladda Soomaaliya ay kusoo biiraan ay balan qaadayaan ammaankooda.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Korneyl Cali Aadan Xumad oo maanta warbaahinta Shirjaraa’id ugu qabtay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ruux waliba oo Shabaab oo isa soo dhiiba ammaankooda ay balan qaadayaan.

Wuxuu ugu baaqay caalamka inay gargaar lasoo gaaraan AMISOM si ay ugu kaabaan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ammaanka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale wuxuu faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii AMISOM u qabsoomay sanadkii hore isaga oo sheegay in AMISOM tartiib ay Muqdisho isugu ballaarisay oo Shabaab ay uga saareen.

Wuxuu sheegay in AMISOM ay isu qeybiyeen afar qeybood ayna wadeen howlgalka ka dhanka ah Shabaab,isaga oo sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ciidamada AMISOM kusoo biireen ciidanka Kenya iyo sidoo kale kuwa Jabuuti.

AMISOM ayaa dhowr mar baaq ujeedisay ciidamada Shabaab ee dagaalka kula jira Dowladda iyo AMISOM inkastoo dhalinyaro qaarkood ay qaataan baaqaasi halka qaarkalena aysan dhagjalaqusiin.

SDN-Muqdisho

Comments are closed