Rag la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin Soomaaliya oo Maraykanku madaxooda lacago duldhigay
Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay lacago badan ay ku abaalmarinayso cidii soo gudbisa xogaha la xiriira Muwaadiniin Sudaniis ah oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya.
Wasaarada Arrimaha Dibadabada ayaa sheegtay in 5-milyan oo doolarka Maraykanka ah ay ku bixin doonto cidii keenta macluumaadka la xiriira raga la raadinayo ee xiriirka la leh Ururka Al Qaacidda.
Robert Hartung oo ka tirsan Waaxda Arrimaha dibada Maraykanka oo la haday saxafiyiinta ayaa sheegay in Abaalmarintan ay fududeyn doonto soo helida raga lagu raad joogo ee ka soo oo lagu eedeeyay in ay dileen Muwaadiniin u dhashay dalka Maraykanka iyoSudan.
Raga la tuhunsanyahay ee la baadi goobayo ayaa kala ah Abdelbasit Alhaj, Alhasan Haj Hamad, Mohamed Makawi, Ibrahim Mohamed kuwaasi oo sanadii 2008dii dilay muwaadin u dhashay wadanka Maraykanka oo lagu magaabay John Granville una shaqeynayay hay’adda USAID.
“Ma ogin halka ay dhab ahaan joogo Mr Makawi ama Mr Hamad, waxaa laga yaaba in meel kamid ah ay koonkan ka joogaan, marka dadka waxaan ku dhiiraglineynaa in ay anaga nala hadlaan islama markaana ay nasiiyaan macluumaadka la xiriira shaqsiyaadkan.” Sidaasi waxaa yiri Mr Hartung oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka.
Dowladda Maraykanka ayaa si gaar ah u dooneysa Makawi iyo Hamad waxana ay la xiriirineysaan Al QaacidadaSudan, iyagoona ragaani Makamad la soo saaray 2009kii kadibna ay ka baxsadeen baxsi dalkaSudankuyaalay 2010kii.