MSF oo ka codsatay dowladda Soomaaliya in la baaro dadkii ka danbeeyay shaqaale looga dilay Magaalada Muqdisho
Jan 10 2013 (SDN0- Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa weydiisatay dowladda Soomaaliya in baaritaan lagu sameeyo gacan-ku-dhiigle dil ugu geystay Muqdisho laba shaqaalahooda ka mid ah bishii December ee sannadkii 2011 oo ay sheegeen in dhawaan laga sii daayay xabsiga magaalada Muqdisho.iyagoo taasi ku micneeyay sharci-daro.
Meinie Nicolai oo ka mid ah saraakiisha MSF ayaa sheegtay inaan horay loo ogeysiin xukunka ninkan iyo sii-dayntiisa intaba, isagoona hoosta ka xariiqay inay si weyn ula dhacsan yihiin baaritaano uu sheegay in uu wado nin guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya.
Waxaan la yaabanahaya in ruux danbi lagu hayo laga sii daayo xabsiga,iyadoo aan la sheegin siideyntiisa sababaha keenay ileyn waa danbiile,ayuu yiri Nicolas oo u waramayay Voa-da.
Waxa uu sidoo kale Mr Nicolas shaaca ka qaaday in laga sii daayay uu si rasmi ah kaga danbeeyo shaqaalahooda lagu dilay magaalada Muqdisho,isagoona carabaabay in Mas’uuliyiinta maxkamada wali ay wadaan baaritaano ku aadan sidii mar kale ninkaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dowladda Soomaaliya, Col. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa shaqada ka eryay garsoorayaal uu sheegay inay ku lug lahaayeen sii-daynta gacan ku dhiiglaha oo la sheegay in sii dayntiisa kaddib dalka laga dhoofiyay.
“Aad baan uga walaac-sannahay in ruux shaqaalaheenna dilay xabsiga laga sii-daayo, laakiinse waxaan soo dhaweynaynaa in sameynayo dhab ah lagu hayo sida ay ku dhacday arrintan,” ayay kaga jawaabtay sarkaaladda MSF u hadashay su’aal ku saabsanayd saameynta ay shaqadooda ku yeelan karto sii-daynta gacan ku dhiiglahan.
Ruuxa lasii daayay oo Soomaali ah ayaa wuxuu dilay dhakhtar iyo maamulihii mashruuc hay’adda MSF ay Muqdisho kawadday kaddib markii uu muran ku saabsan shaqada uu soo dhexgalay isaga iyo maamulaha uu dilay.
SDN