|

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose oo ugu baaqay dowladda in garsoore loo soo magacaabo Marka

Afgooye Jan 10 2013 (SDN)- Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay degmada Marka u soo magacaawdo garsoore howlaha Makamadeed ee halkaasi looga baahanyahay qabta.

C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in aan indhaha laga daboolan kari waxa ka dhacay degmooyinka goblka Sh/hoose oo ay ugu darantahay kufsiga gabdhaha yaryar iyo dhaca dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqaya Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada in ay qaadi u magacaawdo Magaalad Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose, waxaana uu tilmaamay in Magaalada aysan la heyn wax maxkamadada.

Mr. Siidii ayaa tilmamaay in Ciidamo gabdho ku kufsaday Magaalada Marka ay soo qab qabteen islamarkaana ay sugayaan in maxkamad ay soo tagaan madaama magaalad Marka aysan maxkamada laheyn.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Mr. Sidii ayaa tilmaamay in ay sidoo kale maamulka gobolka ay ka go’antahay in ay ka hortagaan ciidamada Milatariga ah ee falalka tuugeysiga ka geysanaya gobolka Sh/hoose.

 SDN-Afgooye

Comments are closed