|

Madaxweynaha Axmed Siilaanyo oo dhaqangaliyay Xeerarka Sirdoonka Qaranka iyo ka mihnadlayaasha Caafimaadka .

Hargaysa 09.Jan(SDN)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku  Dhaqan-geliyey  Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.

Labada Warsaxaafadeed oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u dhignaa


Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;

 

 

Wuxuu Soo Saaray


Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku  Dhaqan-geliyey  Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mih-nadlayaasha Caafimaadka.

 

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/582/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001;

 

Wuxuu Soo Saaray


Dhaqan-galka Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Hargaysa SDN

 

 

Comments are closed