C/xakiim Fiqi: Burcad Badeedu waxa ay taageero ka helaan Caalamka
Muqdisho Jan 09 2013 (SDN)- Wasiirka difaaca xukuumada Soomaaliya Abdihakim Mohamud Fiqi oo wareysi siinayay wakaalada wararka FNA oo ka soo baxda dalka Iran. ayaa waxa uu wax badan ka hadlay qatarta burcad badeeda Soomaalida iyo sida ugu haboon ee lagu dhameyn karo dhibaatada ay ku hayaan xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.
Waxa uu sidoo kale wasiirka uu sheegay in burcad badeeda ay taageero iyo dhiiragilin ka helaan wadamo shisheeye,isagoona sii jiritaanka burcad badeeda ku tilmaamay bixitaanka dhaqaalaha faraha badan ee ka imaanaya shirkadaha maraakiibtooda la qafaasho.
Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qaabka ugu haboon ee beesha caalamka iyo dowlada ay isaga kaashaan karaan la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay inay ka qeyliyeen wadamada caalamka gaar ahaan shirkadaha maraakiibtooda ay isticmaalaan xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa qeexay in dowladiisa si weyn ay kaga soo horjeedo waxa loogu yeero burcad badeeda Soomaalida,isagoona hadalkiisa intaasi ku daray inay wadaan qorshe ka dhan ah burcad badeeda Soomaalida oo muqdisho ka socda.
Waxuu sidoo kale wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Abdihakim xaaji Mohamud Fiqi uu sheegay in dowlada Iraan qeyb libaax leh ka qaadatay la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta xeebaha gacanka cadan,isagoona tibaaxay in si aad ah ula dhacsan yihiin dadaalada Iraan ay wado.
Abdihakim Mohamud Fiqi Wasiirka ayaa ugu danbeyntii beesha caalamka ka dalbaday in maraakiibta Soomaaliya laga gacansiiyo qeyb ka mid ah qorshaha la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida oo sanadii u danbeysay uu sheegay in si aad hoos ugu dhacday.
SDN