|

Madaxweynaha Soomaaliya oo Askari dhibaateysan in dhaha ka dabooshay wax u qabashadiisa

Muqdisho Jan 08 2013 (SDN)- C/qaadir Maxamuud Sheegow, waa askari ka tirsan Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxa uu dhaawa culus ka soogaaray isagoo ku jira dagaal uu dalka ku difaacayay, waxaana xaaladiisu ay hada tahay mid aad u liidata. 

Markii uu C/qaadir waayay cid ugu tilmaada hoygiisa ama Isbitaalka waxa uu go’aansaday in uu madaxda dalka iyo intii wax u qabankarta isagoo dhaawacan uu raadsado si wax loogu qaban karo. 

Askarigan dhawacan ayaa loo qaaday sida la sheegay dalkaEthiopiaee dariskeena ah halkaasi oo la muujinayo in wax looga qaban waayay. 

C/qaadir Maxamuud Sheegow, ayaa si uu u helo cid wax uqabta waxa uu bilaabay isaga oo ay hooyadiis caawineyso in la horseexsho xafiisyada dowladda si marka uu mas’uul u arko wax ugu qabto.

Laakiin dhibaatada heysata C/qaadir Maxamuud Sheegow ee uu arintaan u sameynayo waxaa faha mi waayay oo uga daray oo dhawaciisa halkii uu dhayilahaa kusii holciyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Waxa ay arritaani dhacday maalintii shalay markii markii C/qaadi oo ay hooyadiis la socoto la seexiyay Ilinka hore ee laga galo Xarunta golaha shacbiga Soomaaliyeed, waqti yar kaddib ayaa waxa soo maray halkii uu jiifay Nin uu muddo ku haminayay in uu la kulmo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxana uu Askarigii kuyiri Mudane Madaxweyne waad aragtaa sida ay xaaladeydu tahay ee wax ii qabo waxana Madaxweynuhu isaga oo aan ku leexan fiirina dhiciisa, muujina calooljileec ku aadan dhibaatada heysata kuyiri “Alle Haku caafiyo”. 

Waa run Ilaah ayaa caafimaad haya laakiin waxa ka horeeya dadaal in wax lala qabto ah Rabina la tawakalo laakiin Duco aan ficil la jirin isagoo Madaxweynhii dalka ah waxa ay u muujisay Askarigaasi in dalka u dhimarabay uusan isagu iska laheyn, madaama hadlka Madaxweynuhu uu yiri ay xanuujisay. 

Hooyada dhashay Askarigan dhibaateysan oo magaceeda ku soo koobtay Faadumo ayaa waxa ay warbaahinta qaar u sheegtay ‘iyadoo wajigeedu uu ka muqanayo in dalkan wax loo dhinto uusan astahilin” in wiilkeedu uu u dhawacmay difaaca dalka waxana ay codstay in meel wax looga qabankaro loogeeyo wiilkeeda. 

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxmuu d ayaa inta uu musharaxa ahaa iyo markii la doortay lona dhaariyay xilka madaxtinimo ee dalka, waxa uu wacad ku maray in uu ilgaar ah kuu eegi doono ciidamada dalkeena Soomaaliya isagoona sheegay in uu siin doono mushaar ku filan lana tacaali doonaan askarigii ay wax yeelo soo gaarto. 

Dad badan oo aan Anigu ka mid ahay ayaa qaba in doolada cusub ay mar hore cadeysatay wax u qabasho la’aanta Ciidanka dalka oo dagaal adag kula jira cadaw dowladu ay sheegto in uu ku soo duulay Soomaaliya, waxana ay taasi ku cadeyd miisaaniyada loo qoondeeyay Ciidamada oo aad u yareen marka loo barbardhigo howsha adag ee ay qabanayaan waqtigan.

SDN-Muqdisho  

Comments are closed