|

Wakiilka Midowga Africa oo la kulmay Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya Maxay kawad hadleen?

Muqdisho Jan 08 2013 (SDN)— Wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Midowga Africa Soomaaliya Salax Alnadif oo soogaray Muqdisho ayaa kulan looga hadlayay howlaglka AMISOM ay kawado Soomaaliya waxa uu la qaatay mas’uuliyiinta dowaldda. 

Kulanka kaddib aya waxaa siwada jira ah saxaafadda u la hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka iyo Wakiilka Midowga Africa waxana ay sheegeen in ay kawada hadleen sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in guddi ka socda dowlada iyo Midowga Africa ay kulmeen islamarkaana ay kawada hadleen howlgalka AMISOM waxana uu sheegay in go’aamo ay ka soo saari doonaan howlgalka AMISOM kaasi oo lo horgeyn doono golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. 

Saalax Alnadiif oo isna hadlay ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh waxaana uu sheegay in Midowga Africa uu sii wadi doono taageerida Soomaaliya. 

Wakiilka Midowga Africa ayaa xusay in dib u eegsi lagu sameyn doono howlgalka AMISOM si wax weyn looga badalo sida ay hada wax kuwadaan islamarkaana loo waafajiyo qaab ay ula howlgaalaan dowladda rasmi ah. 

SDN-Muqdisho

Comments are closed