Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Mas’uuliyiin Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay
Hargaysa.08.Jan (SDN) Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa fadhigoodii Maanta Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Wasiirka Wasaarada Dibu dejinta ee Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Md Cabdisalaan Maxamed Xasan.
Fadhigan oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C,raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa waxaa Xoghayaha guud ee Golaha wakiilada Somaliland C.risaaq Siciid Ayaanle uu mudanaaysha ka hor akhriyey digreetooyinkii lagu magacaabay mas’uuliyiintaasi, taariikh nololeedkoodii,Khibradooda Shaqo iyo inay Wataan Waraaqdda Denbi la’aanta.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Dibu dejinta ee Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Md Cabdisalaan Maxamed Xasan ayaa Mudanayaasha ka hor jeediyeen warbixino tilmaamayay hawlahii ay qabteen mudadii magacaabistooda ka dambaysay iyo qorshayaasha u degsan mustaqbalka. Intaa ka dibna Goluhu waxa uu gudo galay cod u qaadistii ansixinta labada wasiir iyadoo ay fadhiga maantana soo xaadireen 48 mudane.
Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) waxaa magacaabistiisa ansixiyey 47 Mudane, cid diidayna ma jirin, cid ka aamustayna ma jirto, gudoomiyahuna ma codayn.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta, tamarta iyo biyaha Md C/salaam Maxamed Xasan waxaa magacaabistiisa ansixiyey 46 Mudane, cid diiday ma jirin, waxaa ka aamusay hal mudane, gudoomiyahuna ma codayn.
Hargaysa SDN