|

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho Jan 08 2013 (SDN)- Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Ururka Midowga Africa ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho kuwaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Saleh Annadif, wakiilka cusub ee MidowgaAfricau qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa waxa socdaalka uu ku soo gaaray Magaalada Muqdisho maanta ku wehliyay Taliye kuxigeen ciidamada AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ayaa markii lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo lagu wado in ay kula kulmaan mas’uu liyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa dhawan la wareegay shaqadiisa waxaana lafilayaa in howlaha MidowgaAfricaay kawadaan Soomaaliya uu dar dargiliyo oo ay ugu weyntahay howlgalka AMISOM.

SDN-Muqdisho

Comments are closed