Maraykanka oo Ciidamo u soo diraya wadama ay Soomaaliya ku jiro oo qaarada Africa ah
WashingtonJan 08 2013 (SDN)— Maamulka madaxweyne Barak Obama ayaa cadeeyay in 3,500-askari oo ka socda Maraykanka ay soo gaari doonan wadamo gaaraya 35-wadan oo ay kamid tahay dalka Soomaaliya.
Warkan oo laga so saray Wasarada Difaaca Maraykanka ee Bantigoonka ayaa lagu sheegay in hadafka ciidamadasi uu noqon doono sidi looga hortagi lahaa koxaha Al-Qaacidda ee kusii balaaranaya qarada Afrika.
Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee qarada Afrika Janaraal Carter Ham aya sheegay in cidamada Maraykanka uu u soo dirayo wadamada Afrikaanka ah ay ku jirto Soomaliya islamar ahaantaana ay si weyn ula shaqen doonan xukuumadaha wadamada 35-ta ah ee ka tirsan qarada Afrika.
Howgalka ciidamadasi ayaa waxa hogaamin doona Janaraal Raymond T. Odierno, waxaana lagu wadaa in hawgalkaasi uu bilaabmo Bisha March ee sanadankan 2013ka.
Mr. Ham ayaa shegay in arintani ay tahay istiraatiijiyada cusub ee mamulka madaxweyne Obama oo 4-sano e so aadan hogaamin doona maamulka wadankasi Maraykanka.
Janaraalka Maraykanka qaarada Afrika u qaabilsan ayaa cadeeyay in Soomaliya weli ay tahay meel ay ka jiraan qatarta Al-qaacidda calamka.
Mr. Ham ayaa markale ku celiyay in sirdonka uu iskashi weyn kala dhexeyo ciidamada nabad ilaalinyta Midowga Afrika ka socda ee Soomaaliya kusugan.
SDN