|

Rag lala xiriirinayo Al Shabaab oo laga soo qab qabtay Magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug

Galkacyo Jan 08 2013 (SDN)— Axmed Muuse Nuur Yare Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee gobolka Mudug ee Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gancanta ku hayaa Rag xariir la leh Al-shabaab. 

Waxaa uu sheegay ka dib howlgalo ay sameeyeen inay gacanata ku soo dhigeen ragaan uu sheegay inay xiriirka la leeyihiin Uruka Al shabaab oo uu sheegay inay Gaalkacyo ka wadeen Abaabul dagaal. 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ururka Al-Shabaab ay dagaalo ka wadaan dhankabariislamaarka ay ku soo food leeyihiin dhanka muddo 8-ilaa 10-Bisha sidaasi dardeedna ay ciidamo geeyeen dhinaca kasta. 

Shacabka magaallada Gaalkacyo ayuu ka cosday in ay la shaqeeyaan maamulka gobolkaBariiyo sidoo kale saraakiisha ciidanka si amaanka loo xaqiijiyo. 

Hadalkan masuulkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ururka Al shabaab ay ku hanjabeen in ay weeraro ka geesanayaan deeganada maamulka Puntlandd uu ka arimiyo. 

SDN-Galkacyo

Comments are closed