Dowladda Talyaniga oo sheegtay in ay sii xoojineyso taageerada ay siiso Soomaaiya tababarna siineysa Ciidan boolis ah (Sawirro)
Rome Jan 08 2013 (SDN)— Dowlada talyaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay wado qorshe ay ku xoojineyso amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya iyo balaarinta taageerada ay siineyso dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka arimaha dibada dalka Talyaniga Guilio Terzi ayaa ka dhawaajiyay in ay daneynayaan kordhinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya,isagoo taasi ka duulayana waxa carabka ku dhiftay in iminka Soomaaliya ay u bisishahay taageerida dhanka amaanka iyo xasiloonida.
waxuuna carababay in ciidamo gaaraya 200 ciidamo boliis Soomaaliyeed ah ay tababar u fidin doonaan bishan gudaheeda si markaasi ay qeyb kaga noqdaan dadaalada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo nabada.
Sidoo kale Wasiirka arimaha dibada Talyaniga Guilio Terzi ayaa hadalkiisa waxuu intaasi ku daray in taageerada intaasi ka balaaran tahay balse iminka taasi ay u arkaan waxyaabaha Soomaaliya ay baahida u qabaan.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa,iyadoo Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya ay ku sugan tahay dalka Talyaniga halkaasina kulumo kula leh dhigeeda dalkaasi iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Talyaaniga.
Waxayna labada dalka sidoo kale ka arinsan doonaa xoojinta xariirka labada dalka ka dhaxeeya.iyo sidii Talyaniga qeynb uu kaga noqon lahaa sii wadida xaqiijinta amaanka dalka Soomaaliya oo dagaalo ay Aafeeyeen.