Shacabka Degmada Bali Gubadle oo Xukuumada ka dalbaday inaan la curyaamin dhaqaalaha Kastamka iyo Maamulka degmada oo fariin u diray Wasiirka Maaliyada
Hargaysa 07.Jan.(SDN)
Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Bali Gubadle ee Xarunta u ah Gobolka Hawd ayaa maanta si adag uga hor yimi in Kastamka degmadaas oo Maalmihii u danbeeyay laga cashuuray gaadiid badan oo qaad sida in loo wareejiyo hawshiisii Kastamka Kala baydh.
Waxay dadweynahani Tilmaameen in Wasiirka Maaliyada Mudane C.Casiis Maxamed Samaale uu ku hawlan yahay wax ay ugu yeedheen Curyaaminta dhaqaalaha degmada oo kor u kac weyni ku yimid maalmihii u danbeeyay ,Waxay dadweynahani Maamulka Gobolka Hawd iyo Ka Degmada Bali Gubadle ka dalbadeen inay ka hawl galaan sidii ay Xukuumada dhexe u gaadhsiin lahaayeen fariin ay ku sheegeen inaan la Kala Jeclaysan Labada Kastam.
Markaas Kadib Maayarka Magaalada Balli Gubadle Cabdi Iimaan Jaamac ayaa sheegay in Kastamka Cashuuraha ee Degmada Balli Gubadle uu sidii loogu talo galay u shaqaynayo,isla markaana uu dekhligiisu kor u kacay .
Gudoomiyaha Degmada Balli Gubadle oo maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa tilmaamay inuu kastamku shantii maalmood ee u danbeeyay uu soo xereeyay lacag dhan Todoba Boqol oo Milyan oo shilling Somaliland ah,kadib markii sida uu xusay ay soo kordheen gaadiidka sida qaadka oo aan markii hore aan soo mari jirin kastamkaas.
Gudoomiyaha Degmada Bali Gubadle Cabdi Iimaan waxa uu fariin u diray Wasiirka Maaliyada isagoo yidhi “Wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa aan leeyahay hada reer baligubadle umay yeedhin gaadiidka jaadka sida, adiguna Somaliland oo dhan baad wasiirka maaliyadda u tahay ee ha kala xigtaysanin Somaliland goboladeeda” Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku booriyay Shacabka ku dhaqan degmadaasi inay nabadgalyada ilaalinteeda heegan u ahaadaan isla markaana ka feejignaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara amniga wadanka.
Madaxa Kastamka Bali Gubadle Maxamed Cabdi Ismaaciil ayaa cadeeyay in Kastamka uu Mas’uulka u yahay aanu waxba kaga duwanayn kastamada kale ee dalka isla markaana ay Tacriifad isku mid ah oo ay wasaarada Maaliyadu dejisay ay ku cashuuraan gaadiidka kala gedisan ee ku soo xidhmay kastamka Degmada Balli Gubadle.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C,casiis Maxamed Samaale oo Maalintii Shalay Warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay Is afgarad buuxa gaadheen sida uu xusay Wasaaradiisa iyo Qaar ka mid ah Shirkadaha Qaadka ka ganacsada oo ka soo hor jeeday Cashuur kordhin ay samaysay Wasaarada Maaliyadu isla markaana ay ku dartay Odoroska Miisaaniyada 2013-ka,taas oo sababtay in Qaar ka mid ah Shirkadaha Qaadku ay ka soo wareegaan Kastamka Kala baydh una soo digo rogteen ka degmada Bali Gubadle,Hasa yeeshee ilaa hada ma cada talaabada ay wasaarada maaliyadu ka qaadanayso qaadka ka soo gala Kastamka Degmada Bali Gubadle.
Hargaysa SDN