Golaha Wakiilada oo Meel Mariyay Xeerka Aasaaska Komiishanka Maamul wanaaga
Hargaysa 07.Jan.(SDN)
Fadhigii maanta ee Golaha wakilada JSL ayaa Xildhibaanada Goalahaasi waxay duuduub ku ansixiyeen xeerka aasaaska Kumishinka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.
Fadhigan oo oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa waxaa mudanayaasha loo akhriyay Xeerkan oo ka kooban sagaal iyo Toban qodob kana soo noqday Golaha Guurtida isla markaana kaabis iyo wax ka bedel ay ku soo sameeyeen.
Xeerkan ayaa Waxaa Ogolaaday Kow iyo Afartan Xildhibaan oo fadhiga maanta soo xaadiray, Cid diidayna ma jirin, labo mudane ayaa ka aamusay, Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay xeerka aasaaska Kumishinka maamul wanaagga xeer No. 58.
Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland waxay maalinta burrito u ballameen ansixinta mas’uuliyiin Qaran oo uu mudooyinkii Dambe Magacaabay Madaxweynaha JSL.
Hargaysa SDN