|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta ka hadlay xiritaankii kafadhiga kowaad ee barlamanka

Muqdisho Jan 07 2013 (SDN)— Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta soo xiray Kafadhigii 1aad ee barlamanka u furmay tan iyo markii ay si rasmi ah ula wareegeen shaqadooda sanadkii dhamaaday. 

Munaasabada lagu soo xiray kalfadhiga koowaad ee barlamanka ayaa waxa lagu soo badhigay waxqabadii barlamanka intii uu shaqadan waday waxaana ka hadlay guddoomiyaha barlamanka Mr Jawaari oo sheegay in howl fiican barlamanku ay soo qabteen. 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo isna ka qeybgalay xaflada lagu xirayay kalfadhiga 1aad ayaa waxa uu ugu horeyn ugu hanbalyeeyay barlamanka howsha ay soo qabteen oo uu ku tilmaamay mid qaali ah oo qaranimo. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in loo baahanyahay samir badan si loo dhiso nidaam dowladeed oo meel mar ah islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay ku qancaan. 

Qudbada Madaxweynuhu uu ujeediyay barlamanka Soomaaliyeed oo aad u dheereer islamarkaana dar daaran u badneyd ayaa waxa uu barlamaanka ugu baaqay in looga baahayahay in gobolada ay ka soo jeedaan ay ku fidiyaan nidaamka Federaalisim-ka si gobolada ay u fahmaan waxa u nidaamkan yahay. 

Si kastaba barlamanka Soomaaliyeed ayaa intii uu shaqeynayay waxa uu soo qabtay howllo culus oo ay ugu muhiimsanaayeen doorashadii guddoonka barlamanka, Madaxweynaha, Ansixintii Ra’uusul wasaaraha, miisaaniyada iyo arrimo kale waxaan intaasi uu fadhiista barlamanku 45-kunlan oo uu kii maanta 26 ku yahay waxana ay intaasi yeesheen 8-kun oo aan caadi aheyn. 

SDN-Muqdisho

Comments are closed