|

Guddiga Caddaalada Somaliland oo isku-shaandhayn ku sameeyay guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha saddex gobol

Hargeysa January, 7 2012 (SDN)- Guddiga Caddaalada Somaliland ayaa isku-shaandhayn ku sameeyay guddoomiyeyaasha maxkamadda heer gobol iyo degmooyinka qaarkood ee gobollada dhinaca galbeedka dalka.

Wasiirka Caddaalada Somaliland Mr. Xuseen Axmed Caydiid ayaa dhaqangeliyay go’aanka isku-bedelka ah ee guddiga Caddaaladu soosaaray, kaasoo u dhignaa sidan;

1-C/raxmaan Jaamac Hayaan guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex waxa laga dhigay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.

2-Gudddoomiyihii Rafcaanka Saaxil Cali Suudi laga dhigay garsoore maxkamadda rafcaanka Hargeysa.

3-Guddoomiyihii maxkamadda degmadda Hargeysa C/rashiid Beer-geel waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda Gabilay, waxa jagadiisii loo magacaabay C/raxmaan Maxamed Mawliid.

4-Guddoomiyihii maxkamadda gobolka gobolka Gabilay Faysal C/laahi daga dago waxa la keenay Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex.

5-Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka maroodi jeex C/rashiid Duraan waxa laga dhigay guddoomiyaha maxkamada rafcaanka Gobolka maroodijeex.

6-Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.

7-Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Awdal C/raxmaan waxa la geeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed