|

Golaha wasiirada oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, go’aamana soo saaray (Warbixin)

Muqdisho Jan 07 2012 (SDN)— Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho kaasi oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid. 

Shirka maanta ee golaha wasiirada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amaanka, qoshaha 100ka maalin ee Xukuumadda, iyo go’aan uu soo hordhigay dowladda Urur goboleedka IGAD. 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi oo lahadlay Saxaafada kulanka kaddib ayaa sheegay in shirka golaha wasiirada maanta looga dooday intiisa badan Amaanka dalka. 

C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in loogu deeqay booliska Oto-ota loogu deeqay 10-gaaari taasi oo looga goleeyahay xoojinta nabadgalayada xaafadahaasi gudahooda. 

Waxaa kaloo wasiirku uu sheegay  in lagu heshiiay Taleefan dadku ay ka soo wacaan marka ay wax dhibaato ah dareemaan ama ay arkaan kooxo wax dhacay ama aamaanka caqabad ku ah. 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in goluhu uu ka hadlay go’aan IGAD ka soo baxay kaasi oo ah in Soomaaliya ay kala doorato laba wado oo loogu deeqay kuwaasi oo galayay xadadka wadama dariska ah qaar kood, waxaan uu tilmaamay in goluhu uu go’aan ku gaaray arintaasi. 

Mr. Ciilmooge ayaa xusay in laga hadlay waxqabadka boqolka maalin ee Xukuumaadda waxana uu sheegay in howshaasi wasiiro gaar ah loo xilsaaray isagoo muujiyay in dadkii ka so shaqeeyay dowladiihii Soomaaliya la casuumi doono si wax badan looga faa’iideysto. 

Ugu danbeyn waxa uu sheegtay wasiirku in cod loo qaaday qaabdhismeedka wasaaradaha islamarkaana la meel mariyay. 

SDN-Muqdisho 

Comments are closed