|

Foowsiyo Yuusuf Xaaji oo gaartay xalay Magaalada Rome ee dalka Talyaniga

RomeJan 07 2013 (SDN)— Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay gaartay Magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga halkaasi oo ya kula kulmi doonoto ma’uuliyiin katirsan dowladda Talyaniga. 

Fowsiyo Yuusuf Xaaji ayaa markii ay gaartay Madaarka Magaalada Rome waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan safarada Soomaaliya ee Talyaniga, Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Talyaaniga. 

Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa waxa qorshuhu uu yahay in ay la kulanta wasiirka arrimaah dibada Talyaaniga iyo mas’uuliyiin kale oo kala hadli doonto xiriirka labada dal sidii loo xoojin lahaa iyo in Talyaani uu taageero dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. 

Waxaasi sidoo kale la filayaa in ay kala hadli doonto mas’uuliyiinta Talyaaniga hantida Soomaaliya uga xayiran wadamada caalamka oo uu Talyaanigu kujiro iyadoo aysan meesha ka marneyn kulan ay la qaadato jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalka Talyaaniga. 

Talyaaniga oo ka mid ahaa gumeystayaashii soo maray Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in uu balanqaadi doono taageero aan ka yareen midii dowladda Ingiriisku ay u balanqaaday Soomaaliya. 

Arinta kale oo ay xooga saari doonto Fowsiyo Yuusuf ayaa ah in safaarada Talyaaniga laga furo dalka Soomaaliya islamarkaana la dar dargaliyo howlaha shaqo oo ay qabto safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga ku taalla. 

Sodaalka ay ku tagtay dalka Talyaaniga Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa waxa uu qeyb ka yahay safaro ay kumaraysay dhawaanahan wadamo badan waxaana la filayaa in sidoo kale ay booqato wadamo uu ka midyahay Imaaraadka Carabta. 

SDN-Muqdisho

Comments are closed