Barlamanka oo maanta yeelanaya kulan lagu soo xirayo kafadhigii 1aad iskuna diyaarinaya fasax
Muqdisho Jan 07 2013 (SDN)- Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Xarunta golaha Shacbiga ee Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan lagu soo gunaanudayo kalfdhigii koowaad ee barlamanka tan iyo intii uu shaqdiisa bilawbay sandkii aynu ka soo gudubnay.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka Soomaaliyeed oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay in maanta qoshuhu yahay in kulanka loogu soo bandhigo warbixino ka turjumaya wax qabadkii barlamnaka ee kafadhigan 1aad.
Marka uu xirmo kalfadhigan maanta ayaa waxaa la filayaa in barlamanka uu galo fasax mudo 2-bilood ah oo uu kaga nasanayaan howlihii dheeraa ee ay ku oo jireen mudo bilooyin ah.
Howsha barlamanka waxaa sii wadi doona gudiyada joogtada ah oo qaban doona howlaha barlamanka inta ay fasaxa ku jiraan.
Kalfadhiga koowaad ee maanta la soo xirayo ayaa waxaa laga qabtay 45-fadhi iyo 8-fadhi oo aan caadi aheyn waxaana ugu muhiim sanaa howlihii barlamanku uu qabtay doorashadii guddoonka barlamanka, Madaxweynaha, Ansixintii Ra’iisul wasaaraha, golaha wasiirada iyo Miisaaniyada sanadka.
SDN-Muqdisho