Muxudiin Kaalmooy: Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade waxa uu la mid noqo doonaa garoomada calamka
Muqdisho Jan 07 2013 (SDN)— Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska dalka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa wuxuu sheegay in Garoonka Diyaaradaha ee magalada Muqdisho la dhisi doono islamarkaana lala mid dhigi doono garoomada caalamka horumaray.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in Garoonka Diyaraha lagu samayn doono Dhismo wayn isla markaana lala mid dhigi doono garoomada caalamka horumaray ee ku yaala caasimada wadamada horumaray sida uu tilmaamay.
Maxudiin Maxamed Kalmooy Wasiirka howlaha guud iyo dib dhiska dalka waxaa uu sidoo kale sheegay in iyana la dhisi doono Garoomada Diyaaradaha ee ku yaala gobolada dalka Soomaaliya sida garoonka Baydhabo, Kismaayo , gaalkacyo iyo kuwa kale ee gobolada dalka ku yaal.
Garoomada Diyaaradaha dalka ayaan wax daayacir ah helin Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii Dhexe ee dalka , 21-kii sano ee bur,burkana garoomadu waxay ka mid noqdeen goobaha ay sameynta ugu badani ay ku yeeshaan.
Hadalka Wasiirka waxaa uu imaanayaa xili maalintii shalay ahayd uu kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha caalamga ah eeadanacade ee magaalda Muqdiho.
SDN-Muqdisho