Labada Suudaan oo heshiis ku meel gaara ka gaarey degaanka shidaalka ee ay ku muransan yihiin
Adis Ababa Jan 07,2013(SDN)-Hogaamiyeyaasha labada Suudaan ayaa heshiis KMG ah ku gaaray caasimada Itoobiya ka dib kolkii ay ku sigteen in dagaal ku dhexmaro degaan shidaalka qaniga ku ah ee dhaca xadka labada dal.
Labada Suudaan ayaa hogaamiyeyaashoodu ku heshiiyeen in si wada jira haatan loo maamulo degaanka Abei.
Waxa labada Suudaan aaga ka sameyn doonaa ciidamo nabada suga iyo maamul kooban.
Madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa kulan heshiis taama lagu kala saxiixanayo u bandhigay Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir.
Koonfurta ayaa ka goday Sudaan inteeda kale sanadii in dhaaftay waana dalkii ugu danbeeyay ee Afriki yeelato.
Koonfurta oo dhaxashay 70% kheyraadkii Suudaan awgeed ayaa isla sanadkii ina dhaafayba ay laba dal ku sigteen in ay colaad fooda isdaraan.
Suudaanta Koonfureed ayaa Khartuum ku eedeysay in ay dhacday dekhligii Saliida xeebaheda laga dhoofinayay ka dibna joojisay shidaalka in ay ka dhoofiyaan Suudaan.
Taas ayaa keentay hoos u dhac balaaran oo labada dhanba soo foodsaaray.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com