|

Talibaan oo Madax dhaqameed ku laayay Afgaanistaan

Kandahaar Jan 07,2013(SDN)-Talibaan ayaa qarax la beegsaday kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mida madax dhaqameedka Gobolka Kandahaar ee dalka Afgaanistaan.

Laba ruux oo is miidaamiyay ayaa galaaftay ilaa shan ka mida madax dhaqameedkii madasha fadhiyay sida ay shaacisay dawlada Afgaanistaan masuuliyiihteeda gobolka Kaandahaar.

Kulanka qaraxa lala beegsaday ayaa haa mid todobaadle ah oo madax dhaqameedku isugu yimaadaan si ay udhegeystaan cabashooyinka shacabka ay metelaan.\Talibaan oo sheegtay Qaraxa ayaa sidoo kale sheegay in ay halkaa ku laayeen ilaa sideed ka mida madax dhaqameedka ayna dhaawaceen ilaa dhawr iyo toban.

Dawlada Afgaanistaan yaa xasuuq ku tilmaantay bartilmaansiga waxgaradka gobolka Kandahaar.

SDN-Kandahaar

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed