|

Golaha Dhaqanka ee Beesha Ciise oo Daboolka ka qaaday inay ka soo hor jeedaan Maayarada Degmooyinka Saylac iyo Lug haya

Hargaysa 06.Jan.(SDN) Golaha dhaqanka ee Beesha Ciise ayaa magaaladda Diri-dhaba ee dalka Itoobiya waxay maanta ka soo saareen Warsaxaafadeed ay kaga soo horjeedaan doorashadii Maayarka iyo Maayar ku xigeenka  Magaalooyinka Saylac iyo Lughaya.

Afhayeenka Beesha Ciise ee dalka Itoobiya Maxamed Jibriil Waabari ayaa sharaxaad ka bixiyay arrimaha ay ku salaynayaan qaadacaada labada Gole deegaan ee Saylac iyo Lug haya waxaanu sheegay isagoo u Waramaya Idaacada VOA ,in Shir ay beeshoodu kaga arrinsanaysay doorashada Maayarada Saylac iyo Lughaya ay ku go’aansadeen qodobadan.

“Waxa Golaha dhaqanka beesha Ciise shirkan ay ka soo saareen sadex qodob oo ah kala ah:-
1- Ma aqoonsanin doorasho ku sheegtii Maayaradda ee Magaalooyinka Saylac iyo Lughaya.
2- Waxaanu aqoonsan nahay xadkii iyo sidii degmooyinku ay kala ahaayeen 1960-kii, kaasi oo Beesha Ciise ay lahayd labadaasi degmo.
3- Waxaanu u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Somaliland inuu Tallaabo ka qaado oo uu Laga Noqdo doorashooyinkii Maayarrada ee labadaasi degmo,”

Dhinaca kale Maayarka Cusub ee degmada Saylac ayaa lagu tala jiraa inuu maalinta beri ah si rasmi ah Xilka ula wareego,hasa yeeshee waxa soo baxaya Warar Sheegaya in Maayarkii hore ee Degmada Saylac uu u Kicitimay dalka Jabuuti,ilaa hada ma cada cida uu maayarka Cusubi xilka kala wareegi doono.

Hargaysa SDN

Comments are closed