|

Wasaarada Maaliyada ee Somaliland iyo Shirkadaha Qaadka oo is afgarad gaadhay

Hargaysa 06 Jan.(SDN)

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa waxa uu maanta faahfaahin ka bixiyay is afgarad dhex maray Wasaaradda Maaliyada iyo Shirkadaha ka ganacsada qaadka .

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa tilmaamay inay kulan wada yeesheen Shirkadaha qaadka waxaanu wasiirku xusay in markii hore ay ka cashuuri jireen qaadka boqolkiiba Shan iyo Sideetan, halka boqolkiiba shan iyo tobanka soo hadhay ay ahaayeen Waxa loogu yeedho Xaqal Xashiish,Wasiirku waxa uu sheegay in ku talo galka Sannad Miisaaniyadeedkan Cusub ay wasaarad ahaan ka maarmi waayeen Boqolkiiba shan iyo tobanka soo hadhay isla markaana ay ku dareen Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2013ka in Cashuurta Qaadku ay noqoto boqolkiiba boqol waxa intaas uu ku daray in arrintaas ay cabasho ka soo jeediyeen Ganacsatada Qaadka .

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale waxa uu cadeeyay in kulamo ay yeesheen Ganacsatada qaadka ay isku afgarteen in laga bilaabo bishan ay Cashuurta qaadka ka dhigeen boqolkiiba Sagaashan,halka ay shirkaduhu ka dalbadeen in laga suga ilaa bisha March boqolkiiba Tobanka soo hadhay.

Mudane Samaale waxaa kale oo uu intaas ku daray in Wasaaradda Maaliyaddu ay ogolaatay inay bixiso khasaarihii ka dhashay Lix Baabuur oo Jaad saarnaa oo qaadkii ay sideen ku dul gubtay, kadib kadib markii ay diideen cashuurta lagu kordhiyay inay bixiyaan.

Hargaysa SDN

Comments are closed