|

Ciidamada dowlada iyo Al Shabaab oo guulo kakala sheegtay dagaal shalay ka dhacay Koofurta Soomaaliya

Muqdisho Jan 06 2013 (SDN)— Ururka Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobalka Gedo ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalo xoogan oo ka dhacay Gobalka Gedo deegaano ka tirsan.

Maxamed Axmed oo kamid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Gobalka Gedo oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaasi dhankooda guulo ay ka gaareen. 

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 11-kamid ah dagaalyahanadooda sidoo kalena ay gacanta iminka ku hayaan maxaabiis badan oo shabaab ah dhanka ciidanka dowladda Soomaaliyana uu soo gaaray khasaaro,isaga oo sarkaalkaan qiray in Shabaab ay ugaleen meel xun. 

Dhanka kale afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid kulul dhankooda ay ka gaareen horumar ballaaran. 

Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalkaasi saddex gaari ay ku gubeen sidoo kalena khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ay gaarsiiyeen ciidamada Dowladda Soomaaliya. 

Shalay ayeey aheyd markii ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kusii jeeda deegaano ka tirsan Gobalka Gedo ay Shabaab wadada ugaleen kadibna halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo labada dhinacba khasaaro soo kala gaarsiiyay. 

SDN-Muqdisho

Comments are closed